Madaxweynaha Galmudug oo xariga jaray Garoonka diyaaradaha Balanbale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Ayaa Xariga Ka Jaray Garoonka Diyaaradaha Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa Xarig jarka Garoonka Ku Wehliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowso Cigaal,Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug,Ugaasyada Beelaha Waqooyiga Gobolka Daga,Gudoomiyaha Degmada Guriceel iyo Bulshada Qaybahooda Kaladuwan.

Garoonkaan Oo dhawaan ay Ka tagtay Diyaaradii ugu Horaysay Oo Rakaab Sida Ayaa Waxaa Iskutashi Bulsho Ku dhistay Shacab iyo Maamulka Degmada.

Madaxweynaha oo Qudbad dheer ka Jeediyay Madasha waxaa uu sheegay in Garoonkaan U adeegi doono Bulsho Kaladuwan oo Dhib ku Qabay Wadooyin iyo Isku gudbida sida Itoobiya iyo Soomaaliya oo Socdaal Ku Tagi Jiray.