Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo degmada Matabaan ka dhagax dhigay dhismaha Garoon Diyaaradeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonkaan uu muhiim u yahay isu socodka bulshada, ganacsiga deegaankana uu horumar muuqda kusoo kordhin doono.