Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Gaaray Magalada Baladweyne

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa waxaa la geeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Safarka uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku tegay Magalada Baladweyne ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmahaan la hadal haayay in uu isku-shaandheynayo Golihiisa Wasiirada.