Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Si Kulul Uga Hadlay Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulkaas

Madaxweynaha  Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaannada Hirshabelle oo u dhintay  Qarax  gaarigiisa loogu xiray oo Galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.