Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiillo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku tegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan hirgelinta saldhig ciidan oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, kaas oo laga dhisayo magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.
Cali Guudlaawe ayaa wakiilada uu la kulmay ku wareejiyay dhul ay HirShabelle ugu talagashay in laga dhiso xerada ay dagayaan ciidamada gaarka ah ee Danab, si ay uga gacan siiyaan amniga.
“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan HirShabelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Khawaarijta, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.
Saraakiisha ka socda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la geeyay dhulka lagu wareejiyay ayaa dhankooda u mahadceliyay madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgelin doono xeradaasi.
Qorshaha Mareykanka ayaa ah inuu sii ballaariyo xarumihiisa ciidan, isaga oo qayb ka ah la dagaallanka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka.