Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Abdullahi Hussein (Ali Gudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya, oo si weyn diiradda loogu saarayo horumarinta adeegyada caafimaadka ee ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
Shirkan oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay wasaaradaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale ururrada kala duwan ee ka shaqeeya caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka laga filayo in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo wax ka tari doona horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Wuxuu xusay in Jowhar ay noqotay goob muhiim ah oo lagu mideynayo aragtiyada la xiriira caafimaadka dalka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa isna sheegay in dowladda ay hormuud u noqon doonto hirgelinta qodobbada ka soo baxa shirka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si loo gaadho adeeg caafimaad oo tayo leh. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeynta hay’adaha caafimaadka ay tahay furaha lagu gaari karo horumar waara.
Gunaanadka, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si weyn u ammaanay bahda caafimaadka Soomaaliyeed kaalinta naf-hurnimada ah ee ay ka qaataan daryeelka shacabka, isagoo sidoo kale bogaadiyay shirkan sannadlaha ah oo uu ku tilmaamay madal muhiim ah oo lagu mideeyo dadaallada horumarinta caafimaadka dalka.