Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka qeyb galay xuska 66-guurada 1-da Luulyo ee Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa caawa magaalada Jowhar kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii Gobollada Koonfureed ay ka qaateen gumeysigii Talyaaniga iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kuwaas oo saldhig u noqday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, masuuliyiin heerar kala duwan ah, wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka iyo degmada, waxgarad, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii ay socotay munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ka turjumayay taariikhda halgankii gobannimada, iyadoo la xusay doorkii ay halyeeyadii Soomaaliyeed ka qaateen xoreynta iyo mideynta dalka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isaga oo sheegay in maalintani ay astaan u tahay midnimo, gobannimo iyo wadajir. Wuxuu xusay in halyeeyo Soomaaliyeed ay naftooda u hureen sidii ummaddu u heli lahayd xorriyadda iyo madax-bannaanida ay maanta ku faanto.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in jiilka maanta uu sii ambaqaado himiladii ay u soo halgameen halyeeyadii hore, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wadajirka shacabka, ilaalinta qarannimada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida si loo xaqiijiyo nabad, amni iyo xasillooni waarta.

Sidoo kale, Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bulshada Hirshabeelle ugu baaqay inay si buuxda ugu diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheeyay inay ka qabsoomaan degmooyinka Hirshabeelle, si shacabka ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda, isla markaana loo xoojiyo ka qeybgalka dadweynaha ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.