Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Beydhabo

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa galabta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Beydhabo, halkaas oo ay ku qaabileen Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aaden Maxamed Nuur, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iskaashi iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo sidoo kale uu Madaxweynaha uga qeybgalayo munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu wado inay berri si rasmi ah uga dhacdo magaalada Beydhabo. Munaasabaddan ayaa la filayaa inay kasoo qeybgalaan madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Intii lagu guda jiray soo dhoweynta, Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Hoggaamiye Sheekh Aaden Maxamed Nuur ayaa is dhaafsaday salaan iyo bogaadin, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay adkeynta midnimada, iskaashiga iyo wadajirka Dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed si loo dardargeliyo nabadda, amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka, isagoo bogaadiyay guusha shacabka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ay ka gaareen qabsoomidda munaasabaddan muhiimka ah. Sidoo kale wuxuu u rajeeyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka culus ee horyaalla.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aaden Maxamed Nuur, iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhoweynta diirran, martigelinta wanaagsan iyo sida sharafta leh ee loogu qaabilay wafdigiisa. Wuxuu xusay in xiriirka labada dowlad-goboleed uu sii xoogeysan doono, isla markaana ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, dib u heshiisiinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.