Madaxweynaha Hirshabeelle oo xarigga ka jaray xarunta Ururka JSP ee Jowhar

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), taas oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka JSP, kuwaas oo ka qeyb qaatay qorshaha furitaanka xarunta iyo dardargelinta howlaha ururka ee deegaanada Hirshabeelle.

Xaruntan cusub ayaa loo asteeyay in ay noqoto xarun muhiim ah oo lagu xoojiyo shaqooyinka Ururka, gaar ahaan diyaar garowga doorashooyinka tooska ah, diiwaangelinta xubnaha ururka, iyo isku xirka hawlwadeennada iyo bulshada ku dhaqan gobolka.

Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in furitaanka xaruntan ay ka mid tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka dimoqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee arrimaha siyaasadda, isagoo xusay in Hirshabeelle ay ka go’an tahay in la dardargeliyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay Ururka JSP in ay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada, diiwaangelinta xubnaha, iyo diyaarinta habraacyo hufan oo lagu gaaro doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Dhankooda, masuuliyiinta Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha taageerada iyo ka qeybgalka munaasabadda, iyagoo sheegay in xaruntan ay door weyn ka qaadan doonto hawlaha ururka iyo isku xirka bulshada.

Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxadeed iyo is-afgarad ku saabsan sii wadidda iskaashiga u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo ururka JSP, si loo horumariyo ka qeybgalka siyaasadeed ee bulshada iyo hirgelinta doorashooyin lagu kalsoonaan karo.