Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa xilka ka qaaday lix garsoore, iyadoo aan la shaacin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay go’aankaasi.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay magacyada garsooreyaasha la eryay, balse lama caddeyn meelaha ay horey uga howlgalayeen iyo sababta keentay xil ka qaadistooda.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo ka imanaya qaar ka mid ah bulshada ku xiran bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada, kuwaasoo isweydiinaya sababta ay madaxda u qariyeen faahfaahinta ku saabsan tallaabadan.
Magacyada garsooreyaasha xilka laga qaaday Hoos Ka Aqriso
