Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday 5 kamidda Gollihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxame Cabdi Waare ayaa waxaa uu xilalkii ka qaadey Shan kamid ah Golihiisa wasiirada,isaga oo Magacaabey Xubno Wasiiro Cusub ah.

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilalka looga qaadey,Wasiirada kala Qorsheynta,Waxbarashada,Biyaha & Tamarta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dastuurka.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale Magacaabey wasiiro Cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaadey, in kastoo aan la shaacin sababta rasmiga ah ee xilligana kusoo beegay xilka qaadista,waxaana xusid mudan in dhamaan Wasiirada Cusub ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Hir-Shabelele.