Madaxweynaha Jabuuti Oo Kulan laYeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shalay gelinkii dambe gaaray dalka Jabuuti ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaan ayaa xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd ra’iisul Waasaaraha Cusub ee dalka itoobiya Abiy Axmed.

Inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti Abiy Axmed ayaa waxa uu booqan doonaa xarumo ku yaalla gudaha dalkaasi Jabuuti.