Madaxweynaha Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Safarka Madaxweynaha Jabuuti ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaas oo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres.

Madaxweyne Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sucuudiga, iyagoo ka wada hadlay arrimaha xiriirka labada dal, nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Sucuudiga ayaa door weyn ku lahaa dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta dalalka Gobolka, sida Itoobiya iyo Eritrea, iyo sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada Jeddah.