Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Ahmed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee dariska ah, iyadoo la adkeynayo iskaashiga ku saleysan deris wanaagga, is-ixtiraamka, iyo danaha wadajirka ah. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay in muhiim ay tahay in la dhowro madax-bannaanida iyo midnimada qaran ee dal kasta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga heer gobol si loola dagaallamo argagixisada loona adkeeyo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, amni, iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.