Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar, iyo Ethiopia oo walaac ka muujin karta shirka labada Hugaamiye. sababta waa maxa?

Sida lagu baahiyey Warbaahinta Dowlada, in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.

Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, asaga oo uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, ee dalka Masar oo la xariirta arimo badan ee diblomaasiyadeed taasi muujineysa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal. Tani waxay sidoo kale fursad u tahay labada hoggaamiye inay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo siyaasadda, iyagoo eegaya danaha labada dal iyo kuwa gobolka guud ahaan.
Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa walaac ka muujin karta shirkan ay yeelan doonaan Hogaamiyaasha Masar iyo Somalia, ayadoona si dhow u eegeysa waxa kasoo bixi kara, maadaama uu jiray dhawaan Heshiis dhanka Badda ah uu dhexmaray Ethopia iyo Maamulka gooni isutaaga ee Somaliland kaasi oo si weyn ay uga hortimid Dowlada dhex ee Somalia.

Dowlada Masar iyo Ethiopia muran la xariira biyaha Webiga Nile waana arin xasaasi ah oo muddo dheer soo jiitamayay, waxaana uu saameyn ku leeyahay xiriirka gobolka. Masar waxay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Nile ee dhanka beeraha iyo biyo-gelinta, halka Ethiopia ay dhistay Biyo-xireenka weyn si ay u horumariso koronto-dhalinta iyo dhaqaalaheeda. Tani waxay keentay xiisado iyo wadahadallo dhex maray labada dal, kuwaasoo aan weli xal buuxa laga gaarin.

Kulanka dhex maraya Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya waxa uu saameyn ku yeelan karaa arrintan, maadaama Masar ay dooneyso inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee Afrika, gaar ahaan kuwa saameyn ku leh ama ku yaalla gobolka Geeska Afrika. Kulankan waxa uu Masar siin karaa fursad ay ku muujiso aragtideeda ku aaddan muranka Webiga Nile iyo sidoo kale inay hesho taageero ama faham wanaagsan oo ku saabsan mowqifkeeda.

Dhinaca kale, heshiiska badda ee dhexmaray Ethiopia iyo maamulka Somaliland, kaasoo Ethiopia siinaya marin biyood, waxa uu sidoo kale muhiim u yahay Masar. Masar waxa ay laga yaabaa inay aragto heshiiskan in uu yahay mid ay ka eegeyso dano muhiim ah sida isbeddel ku yimid awoodda gobolka iyo sida uu u saameyn karo danahaheeda, gaar ahaan iyada oo tixgelinaysa muhiimadda marin biyoodkeeda iyo iskaashiga gobolka.