Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo caawa kulan isugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, oo uu wehliyo Guddoonka Golaha Baarlamanka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan  isugu yeeray Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka, oo uu wehliyo Guddoonka Golaha Baarlamanka.

Guddoonka baarlaamanka iyo gudiyada joogtada ah ayaa aqbalay kulankan oo ka dhacay aqalka wadanka looga arimiyoee Villa Somalia,  kulan ayaa ahaa mid casho sharaf ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku sugan madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanaya xilli  mooshin dhowr ah oo la qoray maalmihii nawiidaartay iyo dooddii ammaanka iyo xasaanada Xildlhibaanada buuqii ka dhashay kulankii shalay.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh aya warbixin guud oo ku saabsan xaalada guud ee dalka la wadaagi doona guddoonka golaha iyo xubnaha kale, si gaar ah Madaxweynaha ayaa kaga warbixin doono dagaalka dowladda ee Al-Shabaab iyo baaritaanada hordhaca ah ee weerarkii Al- Shabaab todobaadkii hore ay ku qaaday hotelka Villa Rosa oo kaabiga ku haya aqalka madaxtooyada soomaaliya.

kulankan ayaa ku soo aadaya kadib markii xildhibaanada fadhigoodii shalay ay hareysay dooda ammaanka iyo xasaanada Xildlhibaanada, Xildhibaanada qaar ay ku dooday in Al-shabaab laga gacan siiyay  gaarista hadafka weerarka Villa Rosa, Xildhibaanada ayaa dalbaday in taliyayaasha iyo masuuliyiinta qabilsan ammaanka ay baarlamaanka horyimaadaan.