Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.

DHUUSAMAREEB”-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.
Sharcigaan cusub ee Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka.
Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoonada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan.
DHAMMAAD