Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo siwadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Caasimada Dhuusamarreeb.

DHUUSAMAREEB: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa siwadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Caasimada Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ay aad ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad gaar ah u leedahay in bangigii dhexe xaruntiisii Dhuusamarreeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.