Madaxweynaha Jubaland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga dooday faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo. Waxaa laga digay in arrintani ay keeni karto khilaaf hor leh iyo xasillooni darro.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Miisaaniyadda sanadka 2026, oo dhan 67,213,424.21 USD, kana timid Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.