Madaxweynaha Jubaland Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada ee Jubaland, kaas oo lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim u ah horumarinta maamulka iyo adeegyada bulshada.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, iyadoo la adkaynayo wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada si loo yareeyo khataraha amni ee ka dhalan kara deegaannada qaar. Wasiirradu waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo kordhiyo feejignaanta iyo is-weydaarsiga xogta amniga.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagaga hadlay horumarinta adeegyada waxbarashada iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee Jubaland. Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay si siman u helaan carruurta iyo dhallinyarada, iyadoo xoogga la saarayo dhismaha iyo tayeynta dugsiyada, tababarka macallimiinta, iyo kor u qaadista agabka waxbarashada.

Dhanka kale, Golaha Wasiirradu waxay si qoto dheer uga doodeen ka hortagga iyo xakamaynta waxyaabaha maanka dooriya ee saameynta xun ku leh bulshada, gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa la carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelin bulsho oo joogto ah iyo in la adkeeyo shuruucda la xiriira la-dagaallanka mukhaadaraadka.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay arrimaha deegaanka iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo dadaallada lagu dhowrayo dhirta, biyaha iyo xoolaha, isla markaana laga hortago xaalufinta deegaanka iyo isticmaalka aan habboonayn ee khayraadka dabiiciga ah. Dowladda Jubaland ayaa qorsheyneysa in ay hirgeliso barnaamijyo lagu wacyigelinayo bulshada si loo ilaaliyo deegaanka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay dardargeliyaan fulinta qorshayaasha horumarineed, isla markaana ay si dhow ula socdaan hirgelinta adeegyada ay dowladdu bixiso. Wuxuu sidoo kale ku booriyay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo gaaro natiijooyin muuqda oo taabanaya nolosha shacabka.

Ugu dambeyntii, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad ah, iyadoo la isla qaatay in la sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, adeegyada bulshada, waxbarashada iyo ilaalinta deegaanka, si Jubaland ay u gaarto horumar waara iyo xasillooni buuxda.