Madaxweynaha Jubaland oo Shir-guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga, horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira dhallinyarada, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale oo muhiim u ah danta shacabka iyo dowlad-dhiska.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno faahfaahsan looga dhageystay xaaladda amniga deegaannada Jubaland iyo howlgalada ay ciidamada amniga ee Dowladda Jubaland ka wadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha nabad-diidka ah. Golaha ayaa lagu wargeliyay guulaha wax-ku-oolka ah ee ay ciidamada ka gaareen howlgalada socda, kuwaas oo lagu xoojinayo nabadgelyada, xasilloonida iyo sugidda ammaanka guud ee deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada amniga, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan ilaalinta shacabka iyo ka hortagga khataraha amni ee ka jira gobolka. Waxa uu sidoo kale ku adkeeyay hay’adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahiyaha dhallinyarada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dheeraad ah oo dhinaca waxbarashada, shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha ah, si loo xoojiyo ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka iyo dib-u-dhiska bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha la xiriira geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyadoo Golaha Wasiirrada Jubaland ay adkeeyeen muhiimadda wada-tashiga, ilaalinta dastuurka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland ayaa isla qaatay in la sii dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed, si loo gaaro horumar waara oo shacabka Jubaland ay ka faa’iideystaan.