Madaxweynaha Jubaland Oo Shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo adeegyada ay shacabka u baahan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne ku-xigeennada Jubaland, wasiirrada kala duwan, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanada Jubaland iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno ka dhageystay hay’adaha amniga oo sharaxay howlgalada socda, guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah, iyo qorsheyaasha cusub ee lagu adkeynayo amniga guud ee deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulanka ka sheegay in amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar iyo xasillooni siyaasadeed, isagoo faray hay’adaha amniga inay laba jibaaraan dadaallada lagu sugayo ammaanka shacabka iyo ilaalinta xuduudaha deegaanada Jubaland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada kala duwan iyo shacabka sida ay uga qeyb qaadanayaan sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku haya amniga dalka.

Dhanka siyaasadda, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, wada-shaqeynta dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, dastuurka, iyo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadatashi iyo isfaham. Wasiirada ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi siyaasadeed oo horseeda xasillooni iyo horumar ay shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay shacabka Jubaland u baahan yihiin. Wasiirrada ayaa soo bandhigay qorsheyaal lagu dardargelinayo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo bulshada ku nool deegaanada Jubaland.

Gabagabadii kulanka, Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku booriyay Golaha Wasiirada inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan shacabka, islamarkaana ay mudnaanta siiyaan arrimaha amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha si loo gaaro Jubaland horumarsan oo nabdoon.