Madaxweynaha Jubaland oo xarigga ka jaray mashaariic cusub oo lagu horumarinayo Dekedda Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay munaasabad ka dhacday Dekedda Magaalada Kismaayo xarigga kaga jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah mashaariicda dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada iyo qalabka Dekedda Kismaayo, kuwaas oo lagu hirgeliyay iskaashi dhexmaray Dowladda Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group).

Mashaariicdan la xarig-jaray ayaa ah wajiga koowaad ee qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo Dekedda Kismaayo, iyadoo ujeeddadu tahay in dekedda laga dhigo xarun ganacsi oo casri ah, lana kordhiyo awooddeeda shaqo, tayada adeegyada iyo kaalinta ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha Jubaland iyo guud ahaan ganacsiga Soomaaliya.

Qorshahan ayaa sidoo kale diiradda saaraya dib-u-habeynta kaabeyaasha dekedda, casriyeynta qalabka iyo hagaajinta nidaamyada shaqada, si loo helo adeegyo hufan oo dabooli kara baahiyaha ganacsatada iyo shirkadaha isticmaala dekedda. Horumarinta dekedaha ayaa muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha, maadaama ay fududeeyaan isu-socodka badeecadaha iyo isku xirka suuqyada ganacsi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee Dekedda Kismaayo, kuwaas oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu sameeyay, si loo dardargeliyo howlaha shaqo, kor loogu qaado hufnaanta maamulka iyo tayada adeegyada ay dekeddu u qabato ganacsatada iyo bulshada.

Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka Dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda AD Ports Group ee gacanta ku haysa mashaariicda dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda. Mas’uuliyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay waxyaabaha laga qabtay wajiga koowaad, qorshayaasha wajiyada xiga iyo tallaabooyinka la qorsheeyay in lagu sii ballaariyo laguna casriyeeyo kaabeyaasha dekedda.

Waxaa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga Dowladda Jubaland iyo shirkadda AD Ports Group, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo in dekedda loo diyaariyo adeegyo ganacsi oo la jaanqaadaya baahiyaha sii kordhaya ee ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada indha-indheeyay dhismayaasha cusub iyo qeybaha dib-u-habeynta lagu sameeyay, isagoo warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta dekedda ee ku saabsan howlaha shaqo iyo qorshaha lagu sii horumarinayo adeegyada kala duwan.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Jubaland, mas’uuliyiinta iyo maamulka Dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda iyo howlwadeennada kala duwan ee Dekedda Kismaayo.

Hirgelinta wajigan koowaad ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ku xoojinayso horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga. Dekedda Kismaayo ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga Jubaland, iyadoo door weyn ku leh isku xirka ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.

Horumarinta iyo casriyeynta dekedda ayaa la filayaa inay gacan ka geysato fududeynta howlaha ganacsi, kordhinta adeegyada ay heli karaan ganacsatada iyo abuurista fursado dhaqaale oo dheeraad ah, iyadoo qorshayaasha socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobaca ganacsiga ee Jubaland.