Madaxweynaha Jubbaland oo Amray in la bixiyo Darajooyinka Ciidamada

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku amray gudiga qiimaynta darajooyinka Ciidamada Darawiishta in ay qiimayn kasoo sameeyaan dhamaan deganada Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in mudo ay u xayirnaayeen darajooyinka Ciidamada SNA si iyaga loo dalacsiiyo kadibna Darawiishta la dalacsiiyo.

Waxaa kaloo uu sheegay in mudo dheer kadib ay lagama maarman noqotay in la dalacsiiyo qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada iyo Askarta dhamaan Degmooyinka Jubbaland ka howlgala iyadoo qaybtii ugu horaysay qiimaynta gudiga ay ka bilaabeen Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah waxaana ay tagi doonan dhawaan Gobolka Gedo iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka ah in ay bixiso darajooyinka Ciidamada SNA ee ka howlgala Jubbaland.