Madaxweynaha Jubbaland oo cafis u fidiyay Maxaabiis

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose Xabsi ku yaalla, ayaa waxaa laga sii daayay 40 nin oo Maxaabiis Shabaab ah, kuwaasi oo muddo ku jiray xabsiga Nabad Suggida Jubbaland.

Taliyaha laanta Dambi Baarista Iyo Nabad Suggida Jubbaland Korneyl Ahmed Muuse Xirsi, ayaa wuxuu sheegay maxaabiistaan xabsiga Nabad Suggida Jubbaland laga sii daayay inay yihiin kuwa muddo xirnaa, islamarkaana Madaxweynaha uu cafis ku sii daayay.

Wuxuu sheegay baaris iyo dabagal dheer markii lagu sameeyay Maxaabiista in la ogaaday dambiyada ay galeen inay ahaayeen kuwa fudud, islamarkaana xilligii Shabaab ay ka tirsanaayeen aaney aheyn dad shaqooyin muhiim ah u qaban jiray.

“Waxaanu xabsiga Nabad Suggida Jubbaland ka sii daynay Maxaabiis, Maxaabiistaan oo muddooyin kala duwan xirnaa, dhamaantood waxa ay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab, kiisaskoodana waxa ay isugu jireen kuwa qiraal ah iyo kuwa Marqaati loo haayay.” Ayuu yiri Taliyaha Laanta Baarista Nabad Suggida Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa dadkaan cafiyay maalintii ciida aheyd, waxaana fulinta amarka fasaxooda uu dhacay shalay oo xabsiga Magaalada Kismaayo laga sii daayay.