Madaxweynaha Jubbaland oo daah Furay Shir looga hadlaayo dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 19 Feb, 2018 waxaa uu furay Shir lagaga hadlayo dardar galinta howlaha dib u xoraynta deganada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkan oo socon doona mudo sadex maalmood ah lagu gorfayn doono inta uu la egyahay diyaar garowga dhinacyada kala duwan iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa hananka howlgalkan oo la doonayo in Al-Shabaab lagu soo afjaro.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , AMISOM iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada maamulka Jubbaland ay u diyaargaroobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Al-Shabaab.