Madaxweynaha jubbaland oo Kenya ka codsaday inay dib u furto xuduuda labada dal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shir lagaga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar goynta xanuunada faafa ee degaanada xuduudka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkan oo maalmahan ka socday magaalada Kismaayo ayaa lagaga hadlayay sidii wasaaradaha caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahaayeen badqabka dadka ku nool degaanada xuduudka iyadoo mashruucan uu hoostagayo Dowlad Goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland waxaana kor ka maamulaya wasaaradaha caafimaadka Jubbaland iyo Kenya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga dhinacyada nabadgalyada caafimaadka iyo xiriirka ee bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal, dhamaan Hay’adaha mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay isagoo sheegay in ay tahay shaqo wakhtigeedi kusoo aaday.

Axmed Madoobe waxaa kale oo uu mahadcelin balaaran u jeediyay Dowlada Kenya oo garab istaagtay dadka gobolka si gaar ah wuxuu amaanay Ciidamada qaybta ka ah AMISOM ee KDF sidii naf hurka ahayd ee ay ugu soo gurmadeen dadka Soomaaliyeed ugana dulqaadeen Al Shabaab meelo badan inta dhimana uu rajaynayo in ay xorayntooda diyaar u yihiin.

Bulshooyinka xuduudka ku nool ayuu sheegay in dano badan ay ka dhexeeyaan, sidaasi darteed dowladda Kenya ayuu ka codsaday in ay dib u furto waqti dhow xuduudka si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan.