Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wakiilada QM iyo Midowga Afrika

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa shir la qaatay Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada iyadoo kulankaas diirada lagu saaray arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xal u helista khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kaas oo mudo soo jiitamayay iyo tageerada ay Bulshada caalamku siiso Soomaaliya.

Gaba gabada kulanka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay booqashada ay masuuliyiintan Jubbaland ku yimaadeen iyo dadaalka ay ugu jiraan in xal loo helo xaaladaha taagan si gaar ah Axmed Madoobe wuxuu sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cida dhexdhexaadinta samaynaysa oo ay noqon karaan Aqalka sare oo hada dadaalka qayb ka ah.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in dhamaan warqadaha ay soo saarto Dowlada dhexe ee isugu jira marti qaadyo ama arimo kale oo lagu sheegay xisaab celin aan lasoo marsiin habka rasmiga ah ee xiriirka Dowliga ah oo ay ku arkaan oo kaliyah baraha Bulshada.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in uu rajaynayo in wada hadal iyo isku tanaasul wax walba lagu dhameeyo oo la is afgarto.

Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa dhankooda si wadajir ah u bogaadiyay hormarka iyo dadaalka kasocda jubbaland gaar ahaan nabadgalyada iyo sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in ay mari doonan dhamaan dowlad goboleedyda iyaga oo dhageysan doona sida xal rasmi ah loogu heli karo khilaafka jira.