Madaxweynaha KG Oo kulan laqaatay RW Kuxigeenka dalka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxaa xalay halkaasi loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah,iyada oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan.

Munaasabada waxa goobjoog ka ahaa,wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi xayir Mareeye,Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo labada Gole ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay inay sharaf u tahay in ay kulan soo dahweyn ah u sameeyaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa,isla markaana ay uga mahad celiyaan shirka looga hadlayo Arrimaha Bani’aadanimada ee uu shalay ka furay Baydhabo

.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ayaa shalay Barqadii shir looga hadlayay arrimaha Bani’aadanimada waxaa uu ka furay Magalada Baydhabo,waxaana la filayaa in uu Maanta dib ugu soo laabto Magalada Muqdisho.