Madaxweynaha Kg Oo Sheegay Ciidanka Dowlada Ee Ku Sugan deegaanada Maaulkiisa ay Shacabka dhibaato Kuhayaan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxaa qaar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka ah.

Waxaa uu sigaar ah u sheegay in ciidamada Guutada 8aad iyo Saraakiishooda ay yihiin kuwa ugu liita Ciidamada Qaranka,waxaana uu sheegay in wax ay dadka u soo kordhiyaan iska daaye ay dhibaatooyin kala duwna ku hayaan.

“Ciidanka Guutada 8aad iyo kuwa 6aad iyo saraakiishooda waa kuwa ugu liita Ciidamada Qaranka,inay wax taraan iska daaye dhibaatada dadka ay ku hayaan ayaa badan,Ciidanka guutada 8aad kuligood waxaa ay ka shaqeynayaan qabiil,subaxdii shaqo aan shaqadiisa aheyn ayay ku mashquulsan yihiin oo dhulal ay dad u cabirayaan ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kusoo aadaya xilli dilal dhawaan ka dhacay Magalada Baydhabo la sheegay inay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo u abaabulan hab beeleed.