Madaxweynaha Koofur galbeed oo isbedel ku sameeyay ciidamada madaxtooyada KGS

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isbedel ku sameeyay saraakiisha iyo ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Kulan gaar ah oo xalay Shariif Xasan iyo la taliyeyaashiisa dhinaca ammaanka ku dhexmaray madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu go’aamiyay arrintan.

Saraakiishii iyo ciidamadii ilaalada ka hayay madaxtooyada Koonfur Galbeed in la isugu geeyay xero ku taalla gudaha magaalada Baydhabo, islamarkaana ciidan cusub oo ku dhaw Shariif Xasan la keenay madaxtooyada.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidankan ay ka soo horjeesteen siyaasadda Shariif Xasan, islamarkaana taageero u muujiyeen musharaxiinta kale.

Shariif Xasan oo ah nin aad u siyaasad badan ayaa aaminsan in wax walba ay dhici karaan inta yar ee ka harsan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo la qorsheynayo inay dhacdo 17-ka bisha soo socota.