Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa markii ugu horreysay waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo burburkii ku yimid waan waantii ay ka dhex-wadeen.
Laftagareen waxaa uu sheegay in dadaaladii dhex-dhexaadinta ahaa ay weli wadaan, isla markana aysan ka rajo beelin, isaga oo rajeeyay in wada-hadallada ay noqdaan kuwo mira-dhala oo lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in khilaafka uu sababi karo in dalka uu dib u dhaco, hayeeshee si taasi looga hortago ayu sii wadi doonaan dadaalada ay ku dhameeyaan khilaafka hoggaanka dalka.
Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay soo saareen qoraalo iska soo horjeeda.⁴