Madaxweynaha Koofur galbeed Oo ku Wajahan Marko

Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur galbeed oo halkaasi ku wajahan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa haatan ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu tago degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Marka ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee Xarunta degmada halkaasi oo la filayo in Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed( laftagareen) lagu soo dhaweeyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 14-ka Octooper iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta siweyn u adkeeyay Amniga Magalada Marka,kuwaas oo lagu arkayo gudaha degmada Marka.