Madaxweynaha Dowlad Gobooleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa xaley Kullan la qaatey Wakiilka Hay”ada TIKA ee wakiil ka ah Dowlada aan walaalanahay Turkiga
kullanka aya waxaa ka soo qeyb galey Wasiirada Qorsheynta, Waxbarashada Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa waxa inta badan looga Hadley sidii hay’adda Tika mashaaric kala duwan ugu fulin laheyd deegaanada Kgs sida waxbarsahda,Caafimaadka Iyo dib u dhiska Deegaanada Maamulkaas Si ay uga qeyb qaataan Horumarka.
Ugu Danbeyn Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa U Mahad celiyey Madaxda Hay’adda Tika sida Mar waliba ay u garab taaginyihiin Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.