Madaxweynaha Koofur galbeed Oo lakulmay Hay”adda WFP

Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo ee Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana  ujeedkoodu  ahaa sidii ay u ogaan lahayeen xaaladaha kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya.

Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo Wafdiga waxaa kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada

Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed, Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu sheegay inay kordhin doonan kaalmada Bini’adannimo ee ay ka wadan Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP, Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan sidii kaalmada Bini’aadannimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.