Madaxweynaha Koofur galbeed Oo Shir gudoomiyay Shirka golaha Wasiirada Maamulkaas

Shirka oo uu ahaa mid saacado qaatay waxaa Warbixino looga dhegeystay Qaar ka tirsan xubnaha Wasiirada Koonfur Galbeed,waxaana ay tilmaameen in howshu sidii loogu talagalay ay usocoto

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Isaag Ali Subag ayaa laga dhegeystay Warbixin ku saabsan Amaanka Guud KG, waxaana uu sheegey in Todobaadkii la so dhaafay aan wax khalalaasa ah ka dhicin gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Shirka ayaa Sido kale waxaa looga hadlay Xoojinta Wada Shaqaynta Wasaaradaha iyo sidii loo hormarin lahaa Dhaqaalaha Kg islamarkaasna loo helo Dhaqaale loogu adeegi karo Shacabka Reer Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirada ayaa Sidoo kale Shacabka ugu Baaqay inay ka shaqeeyan Sidii Wada Shaqayn Dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha Amniga Si looga hortago falal amni darro oo ka dhaca deegaannada Koonfur Galbeed.