Madaxweynaha Koofur galbeed oo Xaafiis kiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Qatar

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiska madaxtooyada ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Dalka Soomaaliya Xasan Binu Xamza oo safar shaqo ku yimid magaalada Baydhabo.

Kulankoodi labada masuul kadib, ayaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga safiirka Dowladda Qatar hogaaminaayey waxey booqasho iyo kormeer ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, sidoo kale waxey booqasho ku tageen xaruumo kala duwan oo ay ka fulinayaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah xaruun school oo Dowladda Qatar dhismaheeda maalgelineyso.

Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga Safiirka hogaaminaayay waxey booqasho iyo indha-indheyn ku tageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, oo Dowladda Qatar mar dhow ka fulineyso dhismooyin lagu horumarinaayo Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kaasoo la doonaayo inuu la jaanqaado garoomada diyaaradaha Caalamka.

Intaasi kadib wafdiga safiirka Qatar iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxey kulan muddo qaatey ku yeesheen xaruunta Madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen dhismaha iyo horumarinta Madaxtooyada oo safiirka ballan ku qaadey in Dowladda Qatar oo isagu matalaayo ay kusoo kordhin doonaan dhismooyin qurux badan oo naqshadii ugu dambeysay ah, taasoo ay ku doonayaan in Madaxtooyada la simaan ama la mid yeelaan Madaxtooyaalka Caalamka dhawaana ay soo Gabagabeyn doonaan.

Wafdigaan oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya soomaaliya shalay gaaray Magaalada Baydhabo waxey horudhac u yihiin wufuud heer caalami ah kuwaasoo maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Baydhabo.