Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Madaxa Waaxda Wakiillada ICRC ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Mudane Antoine Grand oo ah Madaxa Waaxda Wakiillada ICRC ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda abaaraha daran ee ka jira deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, saameynta ay ku yeesheen nolosha bulshada, iyo baahida loo qabo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.
Madaxweynaha ayaa wafdiga uga warbixiyay dadaallada ay Dowladda Koonfur Galbeed ku bixineyso wax ka qabashada xaaladda abaareed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ICRC, si loo dardargeliyo gurmadka bani’aadannimo iyo taageerada loo fidinayo dadka nugul.
Wafdiga ICRC ayaa ballan qaaday inay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Koonfur Galbeed, ayna ka shaqeyn doonaan gaarsiinta gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah, iyagoo la kaashanaya hay’adaha dowladda.
kulanka Madaxweynaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Qorshaynta Mudane Abdihakiin Haaji Fiqi iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan.