Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta isku-xirka Hay’addaha dowladda, Saamaynta Abaaraha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo maamul hufan oo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla-xisaabtanka iyo u adeegidda shacabka, ayna dardargeliyaan fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, hoggaan wanaagsan, iyo mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan bulshada Koonfur Galbeed.