Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Safar Shaqo Ku Tagay Degmada Diinsoor, Kana Ujeedkiisu Yahay Kormeer iyo Dardargelin Horumarineed.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaddib safar shaqo oo uu halkaasi ku tegay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa degmada kusoo dhaweeyay maamulka Degmada Diinsoor, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo saraakiisha amniga. Soo dhaweynta ayaa muujinaysay midnimo, wada-shaqeyn iyo garab-istaag bulsho oo ku aaddan hoggaanka iyo dadaallada horumarineed ee dowlad-goboleedka.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa la xiriirta u kuurgalidda xaaladaha guud ee degmada, qiimeynta baahiyaha dhabta ah ee bulshada, iyo la socodka arrimaha bini’aadannimada, gaar ahaan xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Degmada Diinsoor iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kormeer ku sameyn doona adeegyada bulshada ee ka jira degmada, oo ay ka mid yihiin xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu u baahan tahay. Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu wadaa inuu dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada, kuwaas oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Degmada Diinsoor, Madaxweynaha ayaa la kulmi doona maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu u dhageysto talooyinkooda, cabashooyinkooda iyo soo jeedintooda ku aaddan horumarinta degmada iyo xoojinta amniga.

Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Koonfur Galbeed ku doonayso inay ku gaarto horumar waara, xasillooni amni, iyo adeegyo bulsho oo tayo leh, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo bulshada ku nool deegaannada kala duwan ee dowlad-goboleedka.