Madaxweynaha Koonfur Galbeed shariif xasan oo gaaray Bali-doogle

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray degaanka Bali- doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, madaxweynaha ayaa halkaasi u tagay howlgallo ka bilaaban doona Shabeellaha Hoose.

Degaanka Bali doogle ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Caddaan ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab