Madaxweynaha maamulka buntland oo ka hadlay xaalada Doonta soo caariday

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay, Amniga Dalka, Shirkii Amniga Qaran, Nabadeynta Beelaha Deegaanka Cagaare, Xaaladda Badbaadinta Doontii Caariday, Xeerka Nidaamka Cabashooyinka Puntland, Wax-kabadelka Magaca Wasaaradda Deegaanka iyo Warbiximo.

Xaaladda Amniga

Golaha xukuumadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga Puntland oo sheegtay in ciidamada Puntland ku jiraan feejignaan joogto ah iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cadowga Puntland gaar ahaan Argagixisada caalamiga ah iyo kuwa ka geysta fal-danbiyeed-yada magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Shirkii Amniga Qaran:

Madaxweynaha Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Amniga Qaranka iyo qodobadii ay isku raaceen gollaha Amniga Qaranku, wuxuuna u sheegay Madaxweynuhu golaha in xaalad adag laga marayo dhisme ciidan qaran oo la isku lahayn karo, taas awgeedna loo baahan yahay in waqti la geliyo dhisme ciidan qaran oo dalka lagu aamni karo dhinac walba, wuxuuna Madaxweynuhu usheegay gollaha in Madashu dadaal ugu jirto soo dhameystirka iyo sameynta ciidan qaran, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu golaha uga warbixiyay heshiiskii laga gaaray kalluumeysiga Soomaaliya

Xaalada Bad-baadinta Doontii Soo Caariday:

Madaxweynaha Puntland ayaa ka dhageystay golaha xukuumadda xaalada badbaadinta doontii soo caariday oo si ay weyn uga qayb-qaateen shacabka, shirkadaha dalka iyo dawladu-ba, wuxuuna Madaxweynuhu bogaadiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay howshaas, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku siiyay Wasaaradda Maaliyada inaan laga qaadi karin hantidaas wax canshuur ah.

Nidaamka Maareynta Cabashooyinka Puntland:

Hay’adda Maamul wanaaga Puntland ayaa maanta hor keentay gollaha xukuumadda xeerar kala ah xeerka Nidaamka Maareynta Cabashooyinka iyo xeerka Axdiga Adeega Dadweynaha, xeerarkaan ayaa xoojinaya wada-shaqeynta Dawladda iyo Dad-weynaha.

Wax-Badelka Magaca Wasaaradda Deegaanka:

Gollaha Xukuumadda ayaa maanta ka badelay magacii hore ee wasaaradda Deegaanka, waxayna u badeleen Wasaaradaa Deegaanka iyo Is-bedelka Cimilada, si ay wasaaraddu wax uga qabato wax-yeelada is-bedelka cimilada deegaamada Puntland.

War-bixin:

Gollaha Xukuumadda ayaa war-bixin ka dhageystay Wasaaradda Haweenka oo shaqooyinka ka soo fulisay gobolka Mudug, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay golaha in gabdhaha Puntland yihiin halyeeyo meel-walba oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Caafimaadka iyo Waxbarashada