Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ku soo wajahan magaalada Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb-GNNFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa saakay oo Talaado ah waxa uu ku wajahan yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulkaasi, isaga oo ka amba baxaya magaalada Muqdisho.

Warkan warfidiyeenka  waxaa u xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug, waxay kaloo inoo sheegeen in hada ay socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb galaya Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan.

Dadweyne wata sawirka Hoggaamiyaha Galmudug oo isugu jira Haween iyo Dhalinyaro ayaa saakay lagu sii diyaariyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaasi oo ka qeyb gaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne (Xaaf).

Xaaf ayaa marka uu tago magaalada Dhuusa-mareeb waxa uu bilaabi doonaa qorshaha isku dhafka Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada labada maamul, maadaama dhowaan ay midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa Dhuusa-mareeb waxa ay ugu dambeysay dhammaadkii bishii January xilligaasi oo ay heshiiska dhameystirka ah gaareen labada maamul.