Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf oo kormeeray xarumaha Galmudug ee laga dhisaayo Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta Kormeeray goobaha lagu tala galay in uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa uu sheegay in dhawaan la dhameystiro guryaha uu ku shaqeyn doono maamulka, islamarkaana uu maamulka u shaqo bilaabi doono si deg deg ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxtooyadda iyo Guriga Baarlamaanka howshiisa ay tahay gabagabo.