Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo Jowhar ku qaabilay Saraakiil ka socotay QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabeelle.

Saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabeelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha Kulanka Ku Wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle,Wasiir Ku Xigeenka Amniga, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka iyo la Tiliyeyaal Sare.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle Madaxa Xafiiskaasi Mudane Benjamin.

Wuxuuna Mr. Benjamin u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan sida caawimaadda Dadka ay abaartu  saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska degaannada Hirshabeelle, arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Hoggaamiyaha Hirshabeelle ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahan yahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Dowladda Hirshabeelle, waxaana ay balan qaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.