Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Dib ugu laabtay Garoowe Kana Hadlay Shirkii Uu Ka Qeyb Galay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu  laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul.

“Waan idin salaamayaa dhamaantiin oo uu ugu horeeyo guddoonku, aad iyo aad baan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweyenta Guddoomiye,  Wasiiro, Xildhibaano iyo odoyaasha kaleba, mudo dhowr beri ah ayaan waxaan ku maqneyen magaalada Baydhabo ee Caasumada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed , halkaas oo aan kaga qayb galnay shirkii Amniga Soomaaliya, dabcan shirka waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo amnigu ugu horeeyo, qaybsiga khayraadka, arrimo laxadhiidha doorashada 2020, dabcan waxa kasoo baxay waad la socotaan go’aamo iyo hishiisyo arrimaahaas la xidhiidha oo aan isleeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya iyo in Soomaaliya horey u socoto oo an is leenahay waxay sii adkeenaysaa Federaalisimka markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qaybinaysaa awooda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka, Puntland ayadu mar waliba ahayd midda uddooda, horumarisa, kahadasha, waxaan rajeenayaa Inshaa’ Allaah  in waxabdan Soomaaliya isbadal kusoo rogto dhan walba, dhan amni, dhan dhaqaale, iyo dhan arrimaha lawadaago ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku soo laabto dalkiiyoo nabad ah isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka difaaca Dowladda Puntland oo dharbaaxo kulul ku dhuftay kooxda argagixisada ah ee  taakta daran ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-Gala.