Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Kulan laqaatay Madaxa ICRC

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wefdi ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.

Wefdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Garowe Abdifatah Fandhaal,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka madaxweynaha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa ku boorriyey in ay dar-dar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxha arga gixisada ah ee Al-Shabaab,sida ku xusan qoraalka Madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxa Hay’ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in dawladda Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland.

Dhinaca Kale Madaxweynaha  Puntland ayaa ku booriyey Hay’adda ICRC iney kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha.