Madaxweynaha Maamulka puntland Oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Beydhabo

Guddomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ahna Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi

 Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland,  Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxda Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug,Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa hadda ku sugan Baydhabo.