Madaxweynaha Maamulka Puntland ”Waxaan rajoweynahay in Soomaaliya isku timaado”

Madaxweynahaa  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Taariikdu tahay  26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbka gobolada Waqooyiga Soomaaliya, maalintaas oo ay ka soo wareegtay sanad guuradeeda 58 sano kuna weyn  umadda Soomaaliyeed dhammaantood.

Madaxweynaha Puntland  ayaa ku   tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba, Madaxweynaha oo ka hadlya maalintaas ahmiyadeeda waxaa uu yiri.

“Waxaan maanta oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, gaar ahaan shacab weynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliyeed oo maanta ay kasoo wareegtay 58 sano, calankaas oo loosoo maray dhib badan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayohooda ka tashada, waxaan u dirayaa hambalyo dadkaas meel kasta oo ay joogaan, waxaa larabaa in aan is xasuusino calanka maalintaas lataagay waxa uu ahaa calanka baluuga ah ee cirka u eg, dhexda xidigta cad ee shanta geesood leh ku leh, ma ahayn calan kale kaas ayuu ahaa waxaan rabnaa inaan dadka u sheegno kuna baraarujino ” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Waxaan rajeenaynaa idin Alle wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaado, midnimadeedii iyo wadajirkeedi ay isku soo laabato, karaamadeedii, sharfteedii iyo Dowladdnimadeedii oo taama ay wakhti dhow dib u hesho aayaan rajeenayaa Inshaa Allaah, farxad ku ciida sanadkan sandkiisa kale,  waxaan ku gaaraynaa wadajir, midnimo iyo Soomaalinimo dhaba Inshaa’Allaah” ayuu hadalkiisa intaasi kusii daray Madaxweyne Gaas.