Madaxweynaha Maamulka puntlnd Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeeray Golihiisa Wasiirada

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu shir aan caadi ahayn uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada.

Shirkaan ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in looga arrinsanayo  xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan mooshinka lag gudbiyay Jawaari ee xiisada dhaliyey.

Sidoo kale Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa waxa ay inoo shegen in kulanka looga hadlayo duulanka Puntland ay horay u iclaamisay ee ah dib qabsashada  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo bil kahor gacanta u gashay Maamulka  Soomaaliland.

FILO WIXII SOO KORDHA